Dowlada Norway oo rabta inay wadanka ka bixiso dadka lumiya sharciga qoxootinimada, sababa la xiriira danbiyo uu galay

0
129
Wasiirka cadaalada Norway: Tor M. Wara Foto: First House

Dowlada Norway ayaa sheegtay inay rabto inay magangalyada u diido, isla markaana ay dalka ka bixiso dadka sharciga qoxootinimada ku waayay sababa la xiriira danbiyada waaweyn oo ay horey usoo galeen.

Wasaarada cadaalada Norway ayaa soo jeedisay in baarlamaanku uu isbadal ku sameeyo sharciga soo galootiga dalkan Norway, si arintaas ay dowlada ugu suurtogasho.

Norway ayaa qofka u diido inuu helo xuquuq qoxootinimo, hadii la ogaado inuu soo galay danbiyo la xiriira dagaal, kuwa ka dhan ah bini aadanimada iyo danbiyada aan siyaasada la xiriirin ee waaweyn.

Wasiirka cusub ee cadaalada Norway, Mikkel Wara ayaa sheegay in dowlada ay rabto in Norway ay gabaad u noqon dadka galay danbiyada waaweyn, ee lumiya xuquuqda qoxootinimada. Wuxuuna raaciyay in dadkaas aysan aheyn inay Norway sii joogaan, sidaas darteed ay dowladu rabto in isbadal lagu sameeyo sharciga soo galootiga Norway.

Sharciga Norway ayaa hadal ogol in qofka soo galay danbiyo waaweyn kahor inta uusan Norway imaan, laga qaadi karo xuquuqda qoxootinimada, taas badalkeeda uu heli karo sharciyo kale oo uu dalka kusii joogo.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments