Hamar/Hedmark: Nin soomaali ah oo racfaan ka qaatay xukun xabsi sagaal sano oo lagu xukumay.

0
138
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Nin soomaali ah oo bishii September ee sanadkan 2017 ay maxkamada Hedmark ku xukuntay sagaal sano oo xabsi ah, ayaa racfaan ka qaatay xukunka maxkamada Hedmark, wuxuuna racfaankiisa u gudbiyay maxkamada darajada labaad ee gobolka.

Ninkan ayay maxkamadu sagaal sano oo xabsi ah oo lagu xukumay kadib markii ay ku heshay danbi lagu soo eedeeyay oo ahaa inuu isku day u geystay, isla markaana uu dhaawacyo daran gaarsiiyay gabar soomaali ah oo uu xiriir kala dhaxeeyay.

Qareenkan ninkan ayaa sheegay in ninkan soomaaliga ah oo labaatameeyo jir ah uusan maxkamad ku raacsaneyn qaabka ay u dhigtay xukunka dacwadiisa, iyo waliba sida ay maxkamadu u qiimeysay xukunka danbiga.

Ninkan ayaa maxkamada kahor sheegay inuusan danbiga lagu soo eedeeyay geysan, inkasta oo maxkamada la horkeenay cadeymo dhowr ah oo boolisku ay sheegeen inay muujinayaan in ninkan uu falka dilka ah qorsheynayay mudo dheer. Waxeyna maxkamada hor keeneen mindi uu magaalada Moelv kasoo iibsaday isla maalinta uu falka dhacay oo aheyd 8-dii Desember ee sanadkii 2016-ka

Maxkamada darajada labaad ee Eidsivating ayaa qaabishay racfaanka ninkan soomaaliga ah. Waxaana dacwadiisa la dhageysan doonaa bisha Maarso ee sanadka 2018-da.

Ninkan dhalinyarada soomaalida ah ayaa degenaa magaalada Dombås ee gobolka Oppland.

Xigasho/kilde: GD.NO

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments