New York: Xaakim Soomaali ah oo mar kale loo doortay golaha garsoorka maxkamadda caalamiga ah ee HAGUE

0
352

Cabdiquwi Axmed Yusuf oo ah xaakim soomaali ah ayaa mar kale loo doortey in uu kamid noqdo Xaakimyada Maxkamadda Cadaaladda ee caalamiga ah ICJ, ee fadhigeedu uu yahay magaalada Hague ee dalka Holland.

Warkan ayaa lagu xaqiijiyay qoraal kasoo baxay xarunta Qaramada Midoobey ee New York oo maxkamadda caalamiga ah ay hoostagto. Waxa uuna Cabdulqawi mar kale kamid noqon doonaa Xaakimyada cusub ee Maxkamadda Caalamiga ah oo 10-kii sanoba hal mar la doorto.

Cabdiquwi Axmed ayaa 9kii sano ee la soo dhaafey kamid ahaa Xaakimiinta Maxkamadda Caalamiga ah ICJ, waxaana uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maxkamadda.

Golaha Maxkamadda caalamiga ah ayaa ka kooban 15 xaakim, kuwaas oo iska dhex doorta Madaxweyne iyo ku-xigeen.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda waxaa horyaala kiiska dacwada muranka xuduudka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Xigasho/kilde: Horseed-Media iyo VOA-Somali

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments