Yaa ku guuleystay bilada Nobel Peace Prize sanadkan 2017?

0
175

Nobel Peace Prize oo ah bilada caalamiga ah ee nabada aduunka, isla markaana sanad walba laga bixiyo wadankan Norway, ayaa waxaa sanadkan ku guuleystay ololaha caalamiga ah ee mamnuucista hubka Nukleyrka(The International Campaign to Abolish Nuclear Weapons, ICAN)

Gudiga bixinta bilada ayaa sheegay in ururka ICAN iyo ololahooda ay biladan ku muteysteen, dadaalka ay ugu jiraan wacyi galinta iyo ka digista cawaaqib xumada ka dhalan karta adeegsiga hubka wax gumaada ee Nukleyrka.

Norway oo waji gabax la kulantay:

Norway oo kamid ahaan jirtay wadamada sanado kahor aadka ugu ol-oleyn jiray in adeegsiga hubka Nukleyrka laga mamnuuco aduunka, ayaa sanadkan diiday inay kamid noqoto wadamada saxiixay ololaha mamnuucista hubka Nukleyrka.

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa dhowr mar ku cel-celisay in Norway aysan saxiixi  doonin ololaha lagu rabo in adeegsiga hubka Nukleyrka looga mamnuuco aduunka. Waxeyna arintaas tusaale muuqdo u tahay isbadalka ku yimid siyaasada arimaha dibada Norway.

Arinta waji gabaxa ku ah Norway ayaa ah in bilada Nobel Peace oo laga bixiyo dalkan Norway, la gudoonsiiyo ururka ICAN, laguna siiyo dadaal ay ugu jiraan mamnuucista adeegsiga Hubka nukleyrka.

Xisbiyada bidixda, gaar ahaan SV ayaa kamid ah xisbiyada aadka ugu ololeeyo in adeegsiga hubkaas laga mamnuuco caalamka.

Xigasho/kilde: Nobel PeacePris.org

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments