Bergen: Haweeney aflagaado u geysatay dumar soomaali ah oo maxkamad lasoo taagi doono.

0
188

Haweeney u dhalatay dalkan Norway ayaa maxkamad lagu soo taagi doonaa magaalada Bergen, iyada oo ku eedeysan aflagaado ay ku dheehantahay naceyb oo ay u geysatay labo dumar soomaali ah. Dhacdadan ayaa Winterkii hore ka dhacday bartamaha magaalada Bergen, gaar ahaan goobta laga adeegto ee Galleriet.

Haweeneydan ayaa dumarkan soomaaliyeed u geysatay aflagaado ay kamid tahay inay ugu yeertay»Ekle Dyr«, oo af soomaali ahaan u dhiginta «Xayawaan laga yaq-yaqsado».

Marthe Brøndbo oo ah garyaqaanada booliska ayaa sheegtay in haweeneydan ay danbiga kusoo oogeen iyaga oo cuskanayo dad markhaatiyaal ah iyo muuqaalka kaamerada darbiga.

Xigasho/kilde: BT.NO

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments