Trump oo wadan cusub kusoo kordhiyay qaarada Africa

0
108

«Heerka caafimaadka ee Nambia, wuxuu noqonayaa mid sare u kacaya oo dadka ku filan,» ayuu madaxweynaha Mareykanku uka sheegay kulan uu la qaatay qaar kamid madaxda Afrika. Waxa uu ka hadlayay horumarka ay gaareen dalalka Afrika iyo sida ay u guuleysteen. Balse ma jiro wadan lagu magacaabo «Nambia» oo Afrika ku yaalla.

Baraha bulshada ayaa markiiba fal-celin deg-deg ku sameeyay hadalka Trump iyo magaca wadankan aan horey loo maqal. Balse waxaa markii danbe loo fasirtay inuu ka waday mid kamid ah dalalkka Namibia, Zambia ama Gambia.

Dhanka kale Trump ayaa Afrika ku tilmaamay «awood ganacsi oo aad u wayn». Isaga oo madaxda Afrika ku dhiirigaliyay inay dalalkooda dib u dhis ku sameeyaan, mustaqbalkuna uu Afrika yahay.

«Waxaan leeyahay saaxiibo badan oo aadaya dalalkiina si ay taajiraan u noqdaan. Waa idiinkugu hambalyeynaayaa taas,» ayuu yiri Trump.

«Waxaan matalayaa ganacsiyo waawayn oo kala duwan. Waxay Afrika noqoneysaa meel ay dad badan aadayaan, way doonayaan in ay Afrika tagaan,» ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dad badan ayaa u arko in arin muhiim ah uu ka dhawaajiyay madaxweyne Trump marka uu ka hadlayo in «dad badan ay Afrika u yimaadaan si ay u taajiraan».

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments