Waxaa
Waxaa magaalada Hamar maanta kusoo gaba-gabowday dhageysiga dacwada wiil soomaali ah, kaas oo ku eedeysnaa fal isku dey dil ah oo uu u geystay gabar iyadna soomaali ah. Maxkamada ayaa sadexdii maalmood ee ugu danbeysay dhageysaneysay eeda dacwad oogayaasha dowlada, sharaxaada wiilka kiiska ku eedeysan iyo gabadha dhibanaha ah iyo qareenkeeda.
Wiilka soomaaliga ah ee ku eedeysan danbiga ayaa iska fogeeyay falka isku deyga dileedka ah ee lagu soo eedeeyay, wuxuuna sheegay in gabadhu ay iyada dhaawacyada mindida ah ay isgaarsiisay, isna uu isku dayay inuu badbaadiyo. Dacwad oogayaasha booliska ayaa horey u sheegay in falkaas uu ahaa mid uu wiilkan horey u qorsheeyay, waxeyna sheegeen in mindida falka lagu geystay uu soo iibsaday isla maalinta uu falkaas dhacay.
Gabadha uu dhibku soo gaaray ayaa dhankeeda sheegtay in wiilkan uu ugu yimid guriga ay degeneyd, kadibna uu ku wargaliyay inay tahay maalintii ugu danbeysay nolosheeda. Waxeyna cadeysay inay ka booday daaqada gurigeeda, si ay uga baxsado isaga, laakiin uu banaanka uga daba yimid, uuna galiyay dhowr mindiyood, kadibna uu banaanka uga tagay iyada oo dhiigbaxeyso.
Labadan qof ee soomaalida ah ayaa maxkamada kahor cadeeyay inuu horey isku yaqaaneen, ayna ka dhaxeysay sheeko.
Iris Storås ee dacwada kusoo oogayay eedeysanahan soomaaliga ah, ayaa xeer ilaalinta maxkamada ka codsaday in lagu xukumo sagaal sano oo xabsi ah. Wuxuuna sheegay in waxyaabo badan ay cadeynayaan in eedeysanaha soomaaliga ah uu dilka gabadha qorsheynayay mudo dheer, uuna maalintaas guriga u yimid, si uu u dilo.
Bjørn Philipson oo ah qareenka u doodayay wiilka soomaaliga ayaa isna cadeeyay inuusan galin wax danbi ah, sidaas darteedna ay tahay in xabsiga laga sii daayo.
Xigasho/kilde: NRK.NO, RB
,