onsdag, mai 8, 2024

Soomaalida Sweden ku cusub oo ay ku adkaaneyso inay qaataan leysinka Taxi-ka

By: Kenadid Mohamed/Radio-Sverige-Soomaali


Ajaaniibta dalka ku cusub  Sweden ee kasoo jeedda waddammada Soomaaliya iyo Suuriya ayaaney suurtagal u aheyn iney ku howl-galaan darawel taksi, maadaama aan la aqoonsaneyn waraaqahooda caddeeynta ee waddammada ey ka soo jeedaan.

Jeylaani Muuse oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey ku dhaqnaa dalka Sweden wuxuu dhowaantan imtixaan u galay kuna gudbey sidii uu ku qaadan lahaa  Leysinka gawaarida tagaasida, wuxuuna rabay inuu shaqadaas ku howgalo. Hase yeeshee  Wuxuu Jeylaani kala kulmay xeyn-daabka hay´dda hoggaanka gaadiidka oo go’aan ka gaarta cidda shatigaa loo ogolaaneyo iyo cidda loo diideyo. Iyadoona Jaylaani Muuse farriin uu ka helay hayadda hoggaanka gaadiidka ay ku war-gelisay diidmo:

Shuruud ka mid ah shuruudaha la isku xiro si shakhsiga doonaya uu ku qaato laysinka tagaasida ayaa ah inuu ciidanka ammaanka ka keeno caddeeyn in aanu wax dembi ah gelin shantii sannadood ee noloshiisa ugu dambeeysay, hase yeeshee soomaalida ama suuriyaanka dalka Sweden ku dhaqanaa muddo shan sannadood ka yar ayaan la aqoonsaneyn waraaqahooda haddii ey waddammadoodii kala yimaadaan wakhtigii ka horreeyay intii aaney dalkan iman.

-Xeerkan waxaa loo dejiyey xuquuqda rakaabka in lagu ilaaliyo, ma ahan mid loo soo dejiyey in lagu dhowro xuquuqda qaadashada laysanka kaxeeynta tagaasida, sida uu sheegay Markus Edsbagge, ahna madaxa laanta shatiyada gawaarida ee hayadda hoggaanka gaadiidka mar uu u warrammayay laanta idaacadda ee af-ka soomaaliga.

[adsenseyu2]Idaacadda oo la xiriirtay qaar ka mid ah shirkadaha mulkida u leh tagaasida ayaa sheegay in aaney wax fikir ah ka qabin xeerka u deg-san hayadda. Hase yeeshee uu madaxa suuq-geeynta shirkadda Sveriges Taxi Frederick Scholander uu aamin-san yahay inuu yahay sharci gaboobay oo loo baahan yahay wax ka bedel in lagu sameeyo maadaama buu yiri shirkaddiisa oo qur ahi u baahan tahay ugu yaraan 400-500 oo dareewallo iminkadan la joogo..

–Dadyoowgan ay shuruuddani qabaneeyso ayaan wax dembi ah ku laheyn xaaladda ey waddammadoodu ku sugan yihiin. Haddii uu shakhsigu muddo afar sannadood ah dalka ku sugnaa oo aannu wax dembi ah ku gelin, hase yeeshee aannu heey-san warqaddaa caddeeynta ee laga dooneyo ma uu wadi karo taksi? Iyada oo shirkadaha tagaasiduna baadi-goob ugu jiraan dareewallo ey howl-geliyaan, sida uu sheegay Frederick Scholander.

Jeylaani Muuse Nuux ayaan marna lagu war-gelin shuruudda loogu diidey laysanka tagaasida, iyada oo ay weliba kaga baxday lacag tobaneeyo kun kor u dhaafeeysa. Mustaqbalkan uu ku khasbanaan doono inuu intiiyoo kale maro kolka ey shan sannadood u buux-samaan.

Xigasho/kilde: Radio-Sverige.se/Soomaali

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x