Reysulwasaaraha dalka Sweden Stefan Löfven oo shaley qabtay shir jaraa´id, ayaa sheegay in isagu shaqsi ahaan uusan waxbo ka ogeyn arinta keentay fadeexada aadka u weyn ee harqisay xukuumadiisa. Dhanka kale qaar kamid ah wasiirada xukuumada Löfven ayaa cadaatay inay ka warqabeen arinta fadeexada ah oo ay ku kacday hey´ada gaadiidka wadankaas, balse waxey go´aansadeen inay la qeybsan Reysulwasaaraha.
Xisbiyada mucaaradka ayaa muujiyay ineysan ku qancin sharaxaada Löfven, iyaga oo sheegay inay qorsheynayaan inay kalsoonida kala noqdaan qaar kamid ah wasiiradiisa, taas oo keeneyso inay dhacdo xukuumada hada talada heyso dalka Sweden.
Hogaamiyaha xisbiga Moderaterna Anna Kinberg ayaa sheegtay in wax lala yaabo ay tahay in raysalwasaaruhu uusan war ka haynin wax amaanka qaranka sameeyn ku yeelan kara oo ay wasiiradiisu ka warhayaan.
-Waa in aynu mar kasta ku kalsoonaan karnaa in dawladu ay ka warhayso oo wax ka qabaynayso arrimaha saameeynaya amaanka qaranka.
Raysalwasaaraha ayaa isagu ku adkaystey in xubnaha dawladu ay kala madax banaan yihiin oo wasiir walba uu ka warbixiyo oo keli ah howlaha isaga khuseeya.
Guud ahaan dowlada Sweden ayaa dhex-dabaalaneyso fadeexad aad u weyn, taas oo saameyn ku yeelatay dhamaan xubnaha dowlada, heer gobol iyo heer dowladba. Lamana garan karo halka ay caga-dhigan doonto arintan, iyada oo aad loo saadaalinayo in xukuumada Stefan ay dhici doonto.
Xigasho/kilde: Radio-Sverige.Se
[adsenseyu2]