Kadib markii dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay hoos u dhaceen qafaalashada maraakiibta ee xeebaha Soomaaliya, waxaa hada mar kale dib usoo kacay qafaalashada ay burcad-badeeda soomaalida ah qafaashaan maraakiibta socdo xeebaha Soomaaliya.
Arintan ayaa kusoo aadeyso iyada oo midowga Yurub ay soo afmeereen howlgaladii la dagaalanka burcad-badeeda oo ay ka wadeen xeebaha Soomaaliya.
Iskaashada maraakiibta laga leeyahay dalka Denmark ayaa qeylo dhaan kasoo saaray burcad badeeda soomaalida ah ee dib usoo laba-kacleeyay, iyaga oo soo saaray digniin ku saabsan arintaas.
Xigasho/kilde: NRK.NO
[adsenseyu2]