Waxaa lixdii bisha July ee sanadkan 2017 la daabacay cilmi baaris ku saabsan cudurka kansarka ilmo-galeenka, taas oo laga sameeyey dumarka Soomaalida iyo Pakistanka ee ku nool dalka Norway. Waxaa la ogyahay in Soomaaliya ay tahay waddamada uu adduunka ugu badanyahay cudurka kansarka ku dhaca ilmo galeenka (34.8/100,000), dhimashadiisuna ay ugu badantahay dunida (22/100,000).
Cudurka inta badan (90%) waxaa keena noocyo ka mida ah viruska loo yaqaan Human Papilloma Virus (HPV), waxaa jira waxyaabo kale oo iyagana loo aaneeyo inay keenaan cudurka, laakiin muhiimad badan aan lahayn. Cudurku waa cudur gebi ahaanba laga hor tegi karo, haddii dumarku ay tagaan baaritaan lagu sameeyo minka sadexdii sanoba mar.
Dalka Norway waxaa dumarka loo diraa waraaq loogu sheegayo inay tagaan baaritaanka. Waxaa la ogaadey dumarka Soomaalida iyo Pakistaanku in aanay tegin baaritaankaas, ayna qatar weyn ugu jiraan in la ogaado uun marka uu cudurku ku dhaco. Taasina ay keento dhibaato baahsan iyo dhimasho.
Sababaha dumarku aanay u tegin baaritaanka, ka hor inta aanu ku dhicin cudurku, waxaa ka mid ah iyaga oo aan aqoon u lahayn ka hor tagga cuduradda (preventive health). Waxaa dumarka in badan ay aaminsanyihiin inaysan u baahnayn inay dhaqtar iska aadaan iyaga oo aan jirranayn, ama waqtiba aysan u hayn arrinkaas. Waxaa ka maqan cudurkan marka uu qofku dareemo, inay tahay waqti ay adagtahay in wax laga qabto, maadaama inta badan aanu cudurkani lahayn astaamo muuqda oo qofku dareemi karo waqti hore, taasi oo qasab ka dhigaysa in dadku ay xoogga saaraan ka hor tagga cudurka.
Waxaa kale oo ka mid ah in dumarka Soomaalida iyo Pakistaanku aysan kalsooni fiican ku qabin xarumaha caafimaadka, kuwaas oo ay ku eedeeyaan inaysan wax ka qaban dhibaatooyinkooda caafimaad. Taasina ay keentay in uu yaraado aaminitankooda, iyaga oo rumeysan inaysan daawo iyo baaritaan fiican ka helayn. Waxa kale oo ka mid ah iyaga oo ka cabsada cudurka kansarka oo aaminsan inay ka fogaadaan baaritaankiisa.
Cilmibaaristu waxa ay talo ku soo jeedisey, in shaqaalaha caafimaadku ay dumarka kala hadlaan cudurkan kana siiyaan warbixin baahsan; in loo qabto bulshada kulamo loogala hadlayo cudurkan, loogana wacyi gelinayo. Iyo in dumarka loo diro waraaqo iyo messages (dhambaallo), marka lagaaro waqtigii, lagu xusuusinayo in la gaarey waqtigii ay imaan lahaayeen baaritaanka.
Cilmi baarista waxaa iska kaashaday xarunta cilmibaarista caafimaadka dadka laga tirada badanyahay, Oslo and Akershus University Collge iyo Bergen University. Waxaa lagu daabacay journaalka caafimaadka haweenka caalamiga ah. Waxaana laga akhrian karaa halkan: https://www.dovepress.com/barriers-and-facilitators-to-cervical-cancer-screening-among-pakistani-peer-reviewed-article-IJWH
W.Q: Dr: Abdi Gele: Kamid ah dhakhaatiirka soo saartay cilmibaaristan.
F.G: Dhawaan filo wareysi iyo warbixin muuqaal ah, taas oo faahfaahin dheeri ah ka bixin doonto cilmibaaristan ku saabsan kansarka ilmo galeenka ee ku dhaca dumarka Soomaalida.
[adsenseyu2]