Brende oo muqdisho kula kulmay ganacsato soomaali ah

0
165

Wasiirka arrimaha dibadda dalkan Norway, Børge Brende ayaa intii uu ku gudo jiray booqashadiisii magaalada Muqdisho kulan la qaatay ganacsato soomaali ah iyo madaxda rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa kulankaas goobjoob ka ahaa wasiirada ganacsiga iyo warshadaha dowlada Soomaaliya Khadra Ducaale, xoghayaha gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Micheal Keating iyo safiirka Norway u fadhiyo Soomaaliya Victor Rønneberg.

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii kulankaas goobjooga ka ahaa, waxaa kulankaas looga hadlay dhibaatooyinka soo wajaha ganacsatada soomaaliyeed ee kujirta Privat sectorka(ganacsiga gaarka loo loo leeyahay), iyo sidii ay wada shaqeyn toos ah u dhexmari laheyd ganacsata soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Brende ayaa sidoo kale intii uu joogay magaalada Muqdisho booqasho ku tagay isbitaalka Madiina, halkaas oo hey´ada Norwiijiga ah ee NIS ay galisay matooro ku shaqeeyo cadceeda.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments