fredag, april 19, 2024

(Video): Ururka samafalka Xanaano: Nagu soo aadiya zakaatul fidriga, si aan u gaarsiino dadka u baahan

Ururka Xanaano iyo uruurinta Zakaatul-fitriga 2017.

Marka hore waxaan salaameynaa walaalaha soomaaliyeed ee ku taxan warbaahinta NorSom News. Intaas kadib:

1. Walaalaha muslimiinta ah, waxaan xasuusinaynaa in ay fooda nagu soo hayso bishii barakaysnayd ee Ramadan. Sidaas darted walaalaha muslimeenta ah waxaan ka codsanaynaa in ay ku caawiyaan Zakaatulfitriga sanadkan agoonta saboolka ah, naafada iyo maatida si ay farxada ula qaybsadaan bulshada inteeda kale maalinta ciida ah.

 2013 waxaa Zakatulfitriga ka faaidaytay 700 qof oo kul nool 5 magaalo
 2014 waxaa Zakatulfitriga ka faaidaytay 900 qof oo kul nool 6 magaalo
 2015 waxaa Zakatulfitriga ka faaidaytay 1200 qof oo kul nool 7 magaalo
 2016 waxaa Zakatulfitriga ka faaidaytay 1500 qof oo kul nool 9 mglaalo.

Sanadkaan waxaan ku tala jirnaa inaan gaarsiino Zakatulfitriga 2000 qof 11 magaalo insha allah.

2. Zakaatulfitriga waxay ka meyreysaa qofka, gefkii yaraa ee ka dhacay intii uu soomanaa, waana quudinta dadka saboolka.
Fadlan halkaan ku soo dir si loo gaarsiiyo cida ku haboon iyo waqtiga ku haboon.
Waxaan qabanaynaa Zakaatulfitriga ugu dambeyn 26 ka Ramadan ama 21 June 2017 .
Qiimaha calaa qof waa 70 kr:
Waxaad ku soo hagaajin kartaa ama ku soo diri kartaa
konto nr 15034842296
Vipps: 92953
Paypal: http://hanano.org/became-a-sponser/
Wabilahi Tawfiiq.
Xanaano/HDO
Oslo Norway

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x