torsdag, april 25, 2024

Safaarada Norway ee Kenya: Waxaan qeylodhaan ka direynaa xaalada caruurta soomaalida ee Soomaaliya looga soo tagay

Safaarada dalkan Norway ee Kenya ayaa diyaarisay, soona saartay rapport iyo warbixin ay ka diyaariyeen xaalada qaar kamid ah caruurta soomaalida ah ee Norway laga celiyay, isla markaana Soomaaliya looga soo tagay.

Safaarada ayaa NRK u sheegtay inay caawiyaan caruur iyo dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo looga soo tagay dalalka Kenya iyo Soomaaliya. Waxeyna raacisay inay ka warqabaan iskuulo kuyaalo Soomaaliya gudaheeda, kuwaas oo caruurta loola dhaqmo si adag oo ciqaab u dhiginta.

[adsenseyu2]

Safiirka Norway ee Kenya Amb. Rønneberg ayaa NRK u sheegay in warbixinada ay hayaan ay salka ku hayaan in xaalada iskuulada qaarkood ay tahay mid aan la aqbali karin.

Warbixinta ay safaarada diyaarisay ayaa waxyaabaha lagu xusay waxaa kamid ah dhibaatooyinka ay caruurtu sheegeen inay kala kulmeen dugsiyada iyo iskuulada la geeyay, oo ay waalidkood uga soo tageen. Waxaana rapportka ku xusan in:

Caruurta lagu ilaaliyo dugsiyada si joogto ah, aysana ka bixi karin. In caruurta loo diido inay wax xiriir ah la sameeyaan aduunka, in cunto iyo biyo yar la siiyo, inay ku yartahay hurdada iyo daawada. Qaarkood ayaa sheegay in lagu xiray sariiro iyo darbiyo, isla maraana la ciqaabay jir ahaan.

Safaarada Norway- 31 caruur ah:

Safaarada Norway ee Sweden ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 sheegtay inay gacan siiyeen ama caawiyeen 31 qof oo soomaali ah, kuwaas oo Soomaaliya ama Kenya looga soo tagay.

Dowlada Norway ayaa dhankeeda sheegtay inay xog ka heynin caruurta soomaalida ah ee dhigata iskuuladaas laga sheekeynayo. Balse waxaa la sheegay in 10% caruurta iyo dhalinyarada soomaalida ah ee Norway ku dhaqan ay wadanka ka guureen, balse aan la garaneyn meel ay hada ku suganyihiin.

Xigasho/kilde: NRK.no

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x