torsdag, april 25, 2024

Riyadeydu waa inaan duuliye noqdo, laakiin dowlada Denmark ayaa rabta inay dib iigu celiso Soomaaliya..

Cabdi-Yare waxa wiil soomaali 10-sano jir ah, kaas oo dhigta fasalka 3-aad ee dugsiga hoose, kuna nool magaalada Viborg ee dalka Denmark. Waa wiil ku fiican iskuulka, saaxiibo iyo asxaabna ku dhex-leh. Riyadiisu ama hamigiisu waa inuu noqdo duuliye diyaaradeed ama boolis.

Laakiin Cabdi-Yare waxa uu kamid yahay qoys soomaali ah oo dowlada Denmark ay dib u qiimeyn ku sameysay sharcigooda magangalyada, isla markaana ay ku amartay inay dalkaas isaga baxaan.

[adsenseyu2]

Aabaha Cabdi, waxa uu darawal buss ka yahay magaalada Viborg, isaga oo qof shaqeysto, isla markaana ku filan nolol maalmeedka qoyskiisa. Laakiin dowlada Denmark ayaa aabahan bishii February ee sanadkan, ku wargalisay in lagala noqday sharcigii magangalyada uu dalkaas ku joogay, isaga iyo qoyskiisana ay Denmark isaga baxaan.

Sheekada qoyskan soomaaliyeed ee Cabdi ayaa ah mid aad looga hadalhayo warbaahinta Denmark, iyada oo ah tusaalaha muuqdo ee qaab-darada go´aanka dowlada Denmark iyo sida uu dhaawac weyn ugu geysan karo qoysaska soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan.

Xigasho/kilde: Politiken.dk

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x