fredag, mars 29, 2024

Rasmi: Wixii hada ka danbeeyo, maxkamad ayaa dadka sharciga jinsiyada ka qaadi doonto

Baarlamaanka Norway ayaa maanta kalfadhi ay lahaayeen ku meel-mariyay in maxkamad ay qofka ka qaadi karto sharciga jinsiyada dhalashada Norway, isla markaana awooda sharci kala noqoshada ka wareejiyay hey´ada laanta socdaalka ee UDI-da. Qodobkan oo ahaa mid baarlamaanka horyaalay dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay, ayaa maanta ugu danbeyn noqday mid la isku raacay oo meel-maray.

Soo jeedinta ku saabsan in awooda sharci kala noqoshada laga qaado hey´ada laanta socdaalka ee UDI-da, ayaa aheyd mid soo martay is-jiid jiid iyo isbadalo badan oo ku imaanayay xisbiyada taageersanaa, balse ugu danbeyn maanta ayaa la meel-mariyay. Waxaana taageeray dhamaan xisbiyada kujiro baarlamaanka, marka laga reebo Høyre iyo FRP.

[adsenseyu2]

Wasiirada arimaha soo galootiga ayaa dhowr mar ka digtay ansixinta qodobkaas, iyada oo sheegtay in arintaas ay abuuri karto qalalaaso iyo jahwareer dhinaca awooda maxkamada ah. Balse dowlada ayaa hada laga rabaa inay baarlamaanka usoo gudbiso soo jeedin ku saabsan isbadal lagu sameeyo dastuurta, maadaama qodobkaas uu baarlamaanku meel-mariyay.

Baarlamaanka Norway ayaa sidoo kale shaley isku raacay in caruurta aan laga qaadi karin sharciga jinsiyada, hadii waalidkooda lagala noqdo sharciga dhalashada Norway, sababo la xiriira inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed. Halkan ka akhriso warkaas. 

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x