torsdag, mars 28, 2024

Rasmi: Sabtida bari ah waa maalinta koowaad ee bisha Ramadaan dalkan Norway

Waxaa maanta bisha Ramadaan laga arkay qeybo badan oo kamid ah dhulalka ay soomaalidu degto ee Geeska Afrika, iyo waliba dalal dhowr ah oo caalamka kuyaal. 

Sidoo kale dalada ururada islaamiga ah ee Norway(Islamks Råd Norge, IRN) ayaa shaacisay in sabtida bari ah ay noqon doonto maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, wadankan Norway.

Kulanka gudiga imaamyada ururada katirsan IRN ayaa lagu go´aamiyay in maalinta bari ah ay noqon doonto kowda bisha Ramadaan, sida uu noo xaqiijiyay Eng. Abdirahmaan Diiriye oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka dalada ururada islaamiga ah ee Norway(IRN).  

Dhamaan bahda NorSom News oo isku duuban, waxaan bulshada soomaaliyeed ee Norway u direynaa hambalyada bisha Barakeysan ee Ramadaan. Ilaahay hana dhigo dhamaanteen kuwii ka faa´iideysta. 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x