lørdag, april 20, 2024

NRK: Ciise Midnimo oo shaley ciyaar socoto garoonka (ambulance) looga qaaday

Captankii hore ee xulka qaranka Soomaaliya, hadana ah laacibka kooxda Ullensaker/Kisa, Ciise Aden Abshir(Midnimo) ayaa shaley dhaawac uu kasoo gaaray kulankii ay kooxdiisu kaga hortimid kooxda Start. dhaawacaas oo sababay in ciyaarta la istaajiyo mudo 20 daqiiqo ah, isla markaana Ciise garoonka looga qaado gaariga gar-gaarka deg-dega ah(Umbalanse).

Sida uu qorayo Tv-ga qaranka Norway ee NRK, Ciise ayaa suuxsanaa markii garoonka laga qaadayay, waxaana loo qaaday isbitaalka Sykehuset i Sørlandet ee magaalada Kristiansand. Dhaawaca ciise soo gaaray ayaa yimid, kadib markii ay kubad madaxa ah isku hardiyeen laacibka kooxda Start ee Tapio Heikkilä. 

Ciise: Xaaladeydu wey fiicantahay.

NorSom News ayaa xiriir dhanka telefoonka ah la sameysay Ciise Midnimo, wuxuuna noo xaqiijiyay in xaaladiisa caafimaad ay fiicantahay, isla markaana uu isla shaleyba isbitaalka kasoo baxay, hadana uu ku suganyahay gurigiisa.

[adsenseyu2]

Ciise ayaa noo sheegay in isbitaalka lagu saaray raajo(computer) dhanka madaxa ah, isla markaana ay dhaqaatiirtu sheegeen ineysan jirin wax dhaawac ah oo madaxa kasoo gaaray.  

Macalinka kooxda Ullensaker/Kisa, Vegard Skogheim ayaa NRK u sheegay inuu rajeynayo in Ciise uu sida uga dhaqsiyaha badan ugu soo noqdo kooxda. Ciise ayaa kamid ah kooxda joogtada ah ee Ull/kisa, isaga oo saftay dhamaan ciyaarihii ay kooxdu ciyaartay xili-ciyaareedkan. 

Dhanka kale ciyaarta u dhaxeysa Start iyo Ull/kisa ayaa kusoo gaba-gabowday 3-1, taas oo ay guushu ku raacday kooxda Start. 

Xigasho/kilde: NRK, Dagbladet.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x