torsdag, april 25, 2024

Norway oo lix bilood u kordhisay baaritaanka aqoonsiga shaqsiyeed ee xuduud-badeedka.

Dowlada Norway ayaa maanta soo saartay go´aan cusub, kaas oo ay lix bilood ku kordhineyso baaritaanka iyo hubinta aqoonsiga shaqsiyeed ee dadka Norway kasoo gala dhanka bada, iyaga oo adeegsanayo doomo/markab. Kordhintan cusub ayaa socon doonto mudo lix bilood ah, taas oo ku eg bisha November ee sanadkan 2017. 

Go´aankan baaritaanka aqoonsiga shaqsiyeed ayaa saameyn doono dadka soo raaca doomaha/Markabyada Norway uga imaada wadamada Sweden, Denmark iyo Germany. Waxeyna dowladu sheegtay inuu yahay mid fudud oo kaliya lagu ogaanayo aqoonsiga shaqsiga. 

Norway ayaa kamid ah isku dar lix wadan oo katirsan wadamada la isku yiraacdo Schengen, kuwaas oo soo rogay baaritaanka aqoonsiga dadka xuduudadahooda soo galayo. 

Xigasho/kilde: MSN, NTB

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x