torsdag, april 25, 2024

Minearva: Dugsiga Somaliland kuyaal ee gabdhaha laga soo qabtay, waxaa la xiriirinayaa argagaxiso

Sida aan horey usoo daabacayna, waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo ay warbaahinta dalkan Norway si weyn uga hadli doonto, dhacdadii magaalada Hargeysa ee gabdhaha soomaalida ah ee qurbaha laga keenay laga soo qab-qabtay. Halkan arintaas oo faah-faahsan. 

Wargeyska Minearva oo ah wargeys ra´yi ahaan u janjeera dhanka midigta, ayaa xaley soo daabacay warbixin ay uga hadlayaan dhacdadaas, iyaga oo sheegay in dugsiga Somaliland kuyaal ee gabdhaha laga soo qabtay, lala xiriirinayo argagaxiso. Wuxuuna Minearva warka kasoo xiganayaa labo qof uu midkood hayo xil dowladeed, kan kalena uu yahay qof shaqsi ah oo arintaas macluumaad fiican ka hayo.

Sida uu Minearva qoraya, dowlada U.K ayaa arintaas Norway kusoo wargalisay, iyada oo safaarada Norway ee Kenya ay dad arintaas la socdo u dirtay magaalada Hargeysa. Sidoo kale Team ka socdo TV-ga qarankan Norway ee NRK ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Hargeysa, iyaga oo Hargeysa u tagay si ay arintaas usii dabo-galaan, warbixina uga diyaariyaan.

[adsenseyu2]

Wasaarada arimaha dibada Norway ayaa horey NRK ugu sheegtay inay arintaas la socdaan. Sida ay qorayaa Minearva, waxey xiriir la sameeyeen hey´ada sirdoonka iyo nabadsugida Norway ee PST, wasaarada arimaha dibada, wasaarada dastuurka, kuwaas oo dhamaantood ka gaabsaday inay arintaas ka hadlaan.

Sida ay NTB iyo NRK horey Waxaa dugsiga ama goobtaas gabdhaha lagu hayay, milkiyadeeda wax ka leh haweeney soomaali ah oo heysato dhalashada dalkan Norway.

Dhibaato weyn:

Minearva oo soo xiganeyso qof ay sheegeen inuu arintan macluumaad ka hayo ayaa qorayo in arintan ay tahay wax caadi ah oo ay sameeyaan soomaalida kunool Norway iyo guud ahaan Yurub. Iyaga oo caruurtooda, gaar ahaan gabdhaha uga cabsi qabo inay ka qaataan dhaqamada dalalka ay joogaan.

Waalidiintu waxey doorbidayaan iskuulada Somalia, iyaga oo aamisan in halkaas ay caruurta lagu edbin karo, iyada oo iskuulada qaarkood caruurta si jir ahaaneed ah loo ciqaabo(garaaco).

[adsenseyu2]

Stig Jarle Hansen oo ah profoser wax ka dhiga jaamacada Harvard ayaa Minearva u sheegay in waalidiinta qaarkood ay caruurtooda dib u celiyaan, iyaga oo u cabsi qabo mustaqbalka ilmahooda, gaar ahaan gala danbiyada waaweyn sida daroogo iibinta iwm.

Stig ayaa sidoo kale sheegay in dugsiyada kuyaalo Somalia iyo Somaliland aysan dowladu gacanta ku heynin, ayna yartahay awooda dowlada ee hubinta iskuuladaas, waxa ay caruurta u dhigaan iyo qaabka ay caruurta ula dhaqmaanba. Arintaasna ay dhibaato u tahay waalidiinta, dowlada Norway iyo caruurtaba.

Dowlada arintan hasoo dhexgasho:

Stig ayaa dhanka kale raaciyay in hadii la rabo in arintan ay dowlada wax ka qabato, ay muhiim tahay in wada-hadal lala furo waalidiinta caruurta dib u celiya, lana raadiyo xal kale oo ay waalidiintu kaga baaqnsan karaan in caruurtooda ay dib u celiyaan.

Xigasho/kilde: Halkan kasii akhri: MineArva, Nettavisen

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x