torsdag, april 25, 2024

Kheyre iyo Brende oo Doha ku kulmi doono

Sida ku xusan war qoraal ah oo maanta kasoo baxay wasaarada arimaha dibada dalkan Norway, wasiirka arimaha dibada Norway, Børge Brende ayaa isbuuca soo socdo magaalada Doha uga qeybgali doono shirka Doha Forum oo ah shir sanadeed caalami ah.

Arimaha ama qodobada shirkaas looga hadli doono sanadkan, waxaa kamid ah xaalada Soomaaliya iyo tan gobolka geeska Afrika guud ahaan.

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso ilo xog ogaal ah, waxaa lagu wadaa in reysulwasaaraha Soomaaliya Hassan Ali Kheyre oo reer Norway ah iyo wafdi uu horkacayo ay shirkaas Soomaaliya ku matali doonaan.

Doha Forum oo ah shir sanadeed joogto ah ayaa waxaa kasoo qeybgalo dowlada, siyaasiyiin, hey´ado shirkado, ururo siyaasadeed, khuburo iyo waliba boqolaal qof oo kale oo kala duwan.

Xigasho/kilde: Regjeringen.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x