torsdag, april 25, 2024

INDIA: Dowlada Xagjirka ah oo dooneysa inay xirto Wadaadka Caanka ah Dr.Zakir Naik

Booliiska dalka India ayaa ka codsaday Hay’ada Booliiska dunnida ee Interpol in loo soo gacan geliyo Wadaadka Muslimka ah ee Caanka ah Dr.Zakir Naik ee aasaasay telefishinka laga faafiyo diinta islaamka ee Peace TV.

Dacwada ka dhanka ah Dr.Naik ee Xukuumada India wado ayaa la xariirta baaritaan ay sheegtay dowladaasi inay soo waday bilihii lasoo dhaafay.

Ololaha ka dhanka ah Dr.Naik ayaa bilowday sanadkii lasoo dhaafay kadib markii ay Dowlada Bangaladhesh sheegtay in mid kamid ah raggii weeraray makhaayad ku taal magaalada Dhaka oo ay dad badan ku dhinteen inuu taageeri jiray Wadaadka Zakir Naik.

[adsenseyu2]

Dowlada Bangaladhesh ayaa dalkeeda ka mamnuucday telefishinka Dr.Naik ee Peace TV oo ay xaruntiisa ku taal magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Dr.Naik ayaa isagu beeniyey inuu wax taageero ah u fidiyo kooxaha xagjirka ah, wuxuuna shaaciyey Cajalad muuqaal ah oo uu uga hadlayo “…In Dilka xaqdarada ah uu yahay Danbiga labaad ee ugu weyn ee Diinta Islaamka…”

Isla sanadkii hore ayey dowlada India xayiraad saartay hay’ada uu leeyahay Dr.Zakir Naik oo lagu magacaabo Islamic Research Foundation (IRF) oo saldhigeedu yahay magaalada Mumbai ee dalka India. Sirdoonka India ayaa ku eedeyay hay’ada IRF inay faraha kula jirto falal danbi ah oo la xariira dhaqaalaha soo gala, taasi oo ay xukuumada India u adeegsatay inay xayiraad kusoo rogto.

Qareenada u dooda hay’ada IRF iyo Dr.Naik ayaa sheegay in eedeyntan ay tahay mid been abuur ah oo la doonayo in sii gaar ah lagula dagaalmo hawlaha faafinta diinta Islaamka ee uu waday Dr.Naik.

Xukuumada Hinduuga Xagjirka ah ee hada talada heysa dalka India oo uu hogaamiyo Raysalwasaare Narendra Modi ayaa muddooyinkii danbe cadaadis xoogleh ku hayey Muslimiinta ku nool wadankaasi oo gaaraya booqolaal milyan.

Illaa iyo hada lama oga goobta uu ku sugan yahay Dr.Naik, balse wuxuu markii ugu danbeysay ku sugnaa dalka Boqortoooyada Sacuudiga oo horey abaalmarin sare ee faafinta diinta Islaamka u gudoonsiisay wadaadkan u dhashay dalka India.

Dhakhtarka isu bedalay wadaad faafiya diinta Islaamka ayaa telefishinkiisa Peace TV bilaabay sanadkii 2006, wuxuuna horey u aasaasay hay’adiisa IRF sanadkii 1991. Dr.Naik ayaa si weyn looga yaqaan baraha bulshada ku sheekaysato waxaana bartiisa Facebook ku xiran 16 milyan oo qof, halka Twitterka ay kala socdaan 150 kun oo qof.

Telefishinka Peace TV oo dalal badan laga daawado ayaa la sheegaa inay ku xiran yihiin ama daawadaan in ka badan 100 milyan oo qof.

Wuxuu ogolaaday Dr.Naik in uu khadka telefoonka ama Skype uu wareysi ku siiyo booliiska India hadii ay doonayaan inay su’aalo weydiiyaan, balse xukuumada India ayaa ku gacansertay.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dr.Naik uu dhalasho ka helay Boqortooyada Sacuudiga, walow arrintaasi aan weli la xaqiijin.

Muslimiinta ku nool dalka India ayaa aaminsan in eedeyntan xukuumada India la beegsatay wadaadkan ay tahay been la dhoo-dhoobay, isla markaana qeyb ka ah ololaha Islaam naceybka ah oo ay wado xukuumada hada talada heysa ee Raysalwasaare Modi.

Xigasho/kilde: Horseedmedia.net

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x