fredag, april 26, 2024

Doorashada Faransiiska oo la isku dhaganyahay, yey u badantahay inuu soo baxo?

Waxaa maanta loo dareeray wareega 2-aad ee doorashada madaxtinimo dalka ee Faransiiska. Waxaana wareega 2-aad isugu soo haray musharaxa xisbiga xagjirka ah ee Marina La Pen iyo Emmanuel Macron oo ka socdo xisbiga En Marche!.

[adsenseyu2]

Waxaa loo badinayaa in doorashadan uu ku guuleysan doono Emmanuel Macron, laakiin lama hubo, maadaama doorashadii Mareykanka iyo codbixintii ka bixitaan UK ee EU-da, ay intuba kusoo dhamaadeen natiijo aan la fileynin.

Caalamka oo dhan ayaa maanta indhaha ku hayo natiijada kasoo bixi doonto doorashada dalka Faransiiska, maadaama ay tahay mid wax weyn ka badali karta mustaqbalka Midowga EU, qaarada Yurub guud ahaan iyo waliba wadamada reer galbeedka oo dhan.

Caawa fidkii ayaa la ogaan doonaan natiijada horudhaca ah ee doorashada dalka France.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x