fredag, april 19, 2024

Deg-deg:Taliyaha laanta socdaalka Soomaaliya oo safar qarsoodi ah ku jooga Norway

Sida ay NorSom News ka xaqiiqsatay dhowr ilood oo kala duwan oo xog ogaal, waxaa maalintii shaley aheyd safar aan rasmi aheyn(qarsoodi ah) Norway kusoo gaaray madaxa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya, Maxamed Aaden Jimcaale(Koofi) iyo xoghayahiisa gaarka ah.

Sida aan kasoo xiganeyno ilo xog ogaal ah, madaxa laanta socdaalka ayaa maanta kulamo la qaatay wasaarada arimaha dibada Norway iyo waliba hey´ada laanta socdaalka Norway ee UDI-da.

[adsenseyu2]

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa safarka madaxa laanta socdaalka ee Norway, mana jirto war rasmi ah oo laanta socdaalka ay arintaas kasoo saartay, maadaama uu safarkoodu yahay mid aan rasmi aheyn(off the radar).

Safarka Maxamed Aadan Koofi ee Norway ayaa kusoo aaday xili xasaasi ah, iyada oo dowlada Norway ay sanad kahor soo saartay go´aan ah inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada 1600 oo soomaali, kuwaas oo wadankan magangalyo ku heysto. Iyada boqolaal qof oo dadkaas kamid ah ay wali sugayaan jawaabaha codsigooda sharciga magangalyada rasmiga ah.

Waxaan isku dayi doonaa inaa sii dabagalno, isla markaana aan baarno ujeedada safarka madaxa laanta socdaalka iyo xoghayahiisa ee Norway, iyo waliba waxa ay ku saabsanaayeen kulamada ay la qaateen UDI-da.

Wixii kusoo kordha safarka madaxa laanta socdaalka, iyo wixii macluumad ah ee ka ogaano, dib ayaan kasoo galin doonaa.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x