lørdag, april 20, 2024

Dacwad-oogayaasha kiiska ninkii soomaaliga ahaa ee xaaskiisa dilay oo dalbaday in lagu xukumo 17-sano oo xabsi ah

Waxaa maalintii shaley aheyd maxkamada darajada koowaad ee magaalada Bergen, lagu soo gabo-gabeeyay dhageysiga dacwada kiiska lagu soo oogay ninkii soomaaliga ahaa ee xaaskiisa dilka u geystay sanadkii 2015.

Dhageysiga dacwada maxkamada 45-jirkan soomaaliga ah, ayaa socotay labadii isbuuc ee ugu danbeysay, iyada oo warbaahinta lokalka ah ee Bergen iyo agagaarkeeda, ay si hoose wax uga qorayeen mudadaas ay dacwadu socotay.

Dac-wad oogaha dowlada ee kiiska ninka soomaaliga ah kusoo oogay, ayaa gaba-gabadii dhageysiga maxkamada, xeer ilaalinta u gudbiyay dalab ah inay ninkan ku xukumaan 17-sano oo xabsi ah.

[adsenseyu2]

Qareenka u doodayay caruurta lixda ah oo ay ninkan iyo xaaskiisii uu dilay ay wada dhaleen, ayaa dhankeeda codsaday in caruurta la siiyo magdhow.

Dhanka kale qareenka u doodayay ninkan soomaaliga ayaa sheegay inaysan jirin waxyaabo badan oo la isku khilaafsanyahay kiiskan, maadaama uu ninkan qirtay inuu ka danbeeyay falka dilka ah. Balse wuxuu ku gacan-seyray dacwada kale ee lagu soo oogay, taas oo ah inuu jirdil u geystay caruurtiisa.

Xukunka maxkamada ee kiiskan, ayaa lagu wadaa inuu soo baxo inta aan la gaarin 23-ka bishan May.

Xigasho/kilde: BT.NO, NTB 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x