torsdag, april 25, 2024

Ardeyda jaamacadaha oo lacag dheeri ah heli doono bisha Juni

Ardeyda dhigata jaamacadaha Norway, isla markaana taageerada dhaqaale ka hela sanduuqa taageerada waxbarashada sare ee dowlada, ayaa bisha soo socoto ee Juni heli doono lacag dheeri ah oo dhan 2.600 NOK.

Waana markii ugu horeysay oo ardeyda jaamacadaha ay taageero dhaqaale helaan bisha Juni, iyada xiliyadii hore ay taageerada dhaqaale ee bilaha ah, ay ku ekeyd bisha May.

Lacagtan dheeriga ah ayaa ah tijaabada xeerka cusub ee taageerada dhaqaale ee ardeyda, kadib markii baarlamaanka Norway uu sanadkii lasoo dhaafay ansixiyay sharci cusub oo dhigaya in ardeyda jaamacadaha taageero la siiyo 11 kamid ah 12-ka bilood ee sanadka(juni+Juli).

Meel-marinta xeerkaas cusub ayaa timid kadib markii ay cabasho muujiyeen ardeyda jaamacadaha, gaar ahaan kuwo la nooleyn qoysaskooda, maadaama bisha Juni iyo labada bilood ee fasaxa ay soo wajahdo xaalad dhaqaale oo adag.

Xigasho: NPK/Sunnmoringen. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x