torsdag, mars 28, 2024

Zinedine Zidane: Waxaan dadweynaha reer France uga digayaa inay doortaan Marina La Pen

Xidigii hore ee xulka kubada cagta dalka France, hadana ah macalinka kooxda Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa fariin digniin ah oo ku aadan doorashada dalka France usoo diray shacabweynaha dalkaas. Zizu ayaa dadweynaha France uga digay inay doortaan musharaxa xagjirka ah ee Marina La pen, isaga oo ku booriyay inay sameeyaan wax walba oo ay awoodaan, si ay arintaas uga hortagaan.

[adsenseyu2]

Zidane oo ah mid kamid ah xidigaha ugu waaweyn ee kubada cagta dalka France iyo caalamkaba, ayaa sheegay in fikradaha ay xambaarsantahay Marina La Pen ay yihiin kuwo kala geyn kara mujtamacweynaha dalka France.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Zidane fariin digniin ah kasoo saaro doorashada France. Sanadkii 2002 ayuu sidaan oo kale fariin digniin ah kasoo saarey doorshada musharaxii xagjirka ahaa ee u taagnaa xisbiga National Front, Jean-Marie kaas oo ah aabaha Marina La Pen. Zidane ayaa sheegay in fariintisan cusub ay tahay mid lamid tii uu diray 15 sano kahor. 

Zizu ayaa asal ahaan kasoo jeedo qoys muslim ah oo kasoo jeedo dalka Aljeria(Jazaaír), kuwaas oo qoxooti ahaan kusoo galay dalka France. Wuxuuna sumcad wanaagsan iyo qadarin ku dhax-leeyahay shacabka Faransiiska, maadaama uu dhowr mar xulka France ku hogaamiyay guulo waaweyn oo taariikhda galay, sida koobkii aduunka ee 1998 iyo koobkii Euro 2000.

Xigasho/kilde: BT.NO, Reuters

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x