lørdag, april 27, 2024

Xafiisyada NAV oo bilaabay inaysan qaabilin dadka iyaga oo balan soo qabsan imaado xafiisyada NAV

Qeybo badan oo kamid ah xafiisyada NAV ayaa bilaabay xeer cusub, kaas oo ah ineysan qaabilin dadka aan balanta soo qabsan kahor inta aysan xafiisyada NAV imaanin.

NAV ayaa dadka ku boorineyso inay isticmaalaan internetka ama ay telefon kusoo wacaan xafiisyada NAV, hadii ay u baahdaan inay su´aalo gaar ah weydiiyaan ama ay wax ka ogaadaan adeegyada ay bixiso.

Xeerkan cusub ee NAV ayaan qaban doonin dadka ay heysato xaaladaha deg-dega ah, ama aan heysan meel ay markaas seexdaan ama wax ay cunaan.

[adsenseyu2]

NAV ayaa sheegtay inay arintan uga dan-leedahay fududeynta shaqada xafiisyada iyo in shaqaalaha ka shaqeeyo NAV aysan waqti badan ku lumin howlo telefonka ama internetka lagu xalin karo.

Arintan ayaa waxaa caro ma ka muujiyay qaar kamid ah macaamiisha iyo dadka ku xiran NAV, iyaga oo sheegay in sugitaanka khadka telefoonku uu qaato xili dheer, iyada oo mar-marka qaarkoodna aanba qofka lagu soo warcelinin.

Dad badan oo ku xiran NAV waa dad waayeel ah oo aan khibrad u laheyn isticmaalka internetka ama aanan awoodin sugitaanka khadka telefoonka. Lamana garan karo sida ay NAV isku waafajin doonto u adeegida dadkaas iyo xeerkeedan cusub. Sidoo kale waxaa jiro dad aan aqoon fiican u laheyn luuqada norwiijiga, aana fahmi karin internetka iyo webabka xafiisyada NAV.

Xigasho/kilde: VG.NO 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x