Wasiirka ganacsiga dalka Germany, ninka lagu magacaabo Wolfgang Schäuble ayaa wareysi uu dhawaan bixinayay ku sheegay in dadka muslimiinta ah ee aan ku qanacsaneyn nolosha iyo dhaqanka Yurub, gaar ahaan Germany ay u guuraan wadan islaam ah oo ay ka heli karaan nolosha ay rabaan.
Wasiirkan oo katirsan xisbiga hogaamiyaha federaalka Germany, Angela Markel ayaa sheegay in dalka Germany uu leeyahay dhaqan iyo hab nololeed soo jireen ah, sidaas darteed qofkii imaado ee raba inuu ku noolaado dalkaas, uu ku qasbanyahay inuu dadkiisa dhinac ka raaco. Hadii kalena uu u guuro meeshii uu ka heli karo nolosha uu rabo.
[adsenseyu2]