Xisbi-yaraha Kystpartiet ayaa siyaasiga soomaaliga ah ee lagu magacaabo Ahmed Warsame, ka dhigay musharaxa koowaad ee baarlamaanka ee xisbigaas uga sharaxan gobalka Troms.
Sida uu qorayo wargeyska framtidinord, Ahmed Warsame ayaa xisbigaas katirsanaa in mudo ah, wuxuuna gudoomiya ka yahay laanta xisbigaas Kystpartiet ee magaalada Tromsø.
Kystpartiet ayaa ah xisbi aad yar oo ku xoogan gobolada woqooyiga, waxeyna doorashadii lasoo dhaafay ee 2013 heleen codad yar oo gaarayo 0,1%.
Xigasho/kilde:Framtidinord
[adsenseyu2]