fredag, april 19, 2024

Norway oo soo rogtay in la baaro documentiyada dadka soo galaya ama ka baxaya wadamada Schengen-ka

Kulan ay jimcihii lahaayeen golaha wasiirada Norway, ayey kusoo saareen go´aan ah in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo documentiyada iyo passporada dadka soo galaya ama ka baxaya wadamada la isku yiraadho Schengen oo ay Norway kamid tahay. Norway ayaa ku dayatay midowga Yurub oo bishii April ee sanadkan soo saarey go´aan kaas oo kale ah.

Go´aankan cusub ayaa ka dhigan in hadii aad u safreyso ama aad ka timid wadamo ay kamid yihiin, U.K, Turkiga, Ireland, Romania iyo Bulgaria, baaritaan dheeri lagu sameyn doono passporkaaga, xitaa hadii aad heysato passportka guduudan ee jinsiyada Norway.

[adsenseyu2]

Waxaa muhiim ah inaad passportkaaga horey usii qaadato hadii aad u safreyso ama aad kasoo safreyso wadamadaas kor xusan. Hadii awal passportkaaga lagaa hubin jiray oo kaliya, hada waxaa lagu sameyn doonaa baaritaan ka badan, kana adag kii hore.

Go´aankan ayaa hirgali doono isla isniintan soo socota, oo ku aadan 1-da bisha Mai.

Arintan ayuu wasiirka amniga Norway ku tilmaamay in looga danleeyahay adkeynta amaanka iyo kahor taga weerarada argagaxiso. Wuxuuna sheegay inay rajeynayaan inay qabtaan dadka kasoo dagaalamay dibada oo raba inay Norway dib ugu soo noqdaan.

Xigasho/kilde: VG, AFTENPOSEN

 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x