torsdag, april 25, 2024

Maxkamad kutaal Faransiiska oo diiday in qoxootiga faraha kuleh Norway dib loogu soo celiyo Norway

Maxkamada kutaal magaalada Lyon ee dalka France, ayaa istaajisay go´aan dowlada Faransiisku, ay dalkan Norway dib ugu soo celin laheyd wiil 23-jir reer Afgaanistaan ah, kaas oo faro kuleh Norway balse magangalyo weydiistay dalkaas(France).

23-jirkaan ayaa sanadkii 2015 iska soo dhiibay Norway, balse wuxuu codsigiisa magangalyada ka helay diidmo. Wuxuuna intaas kadib aaday dalka Faransiiska, halkaas oo uu mar labaad magangalyo weydiistay. Markale ayuu hadana diidmo ka helay Faransiiska, waxeyna dowlada dalkaas go´aansatay in dib loogu soo celiyo Norway, maadaama uu halkan faro ku leeyahay. Laakiin waxaa go´aankaas horistaagay oo diiday in la fuliyo maxkamada magaalada Lyon.

Maxmakada ayaa go´aankeeda ku saleysay, in hadii 23-jirkan Norway dib loogu soo celiyo, ay u badantahay in si khasab ah loogu celiyo dalka Afgaanistaan, oo maxkamadu ay sheegtay inay wali ka socdaan dagaalo. Arintaas oo maxkamada Lyon ay ku tilmaantay mid halisteeda ah, isla markaana xadgudubna ku ah xuquuqda bini-aadamka ee asaasiga ah.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no NRK

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x