fredag, mars 29, 2024

Marina Le Pen oo usoo baxday wareega 2-aad ee doorashada Faransiiska

Musharaxada xisbiga xagjirka midigta fog ee National Front, Marine La Pen ayaa usoo baxday wareega 2-aad ee doorashada dalka Faransiiska, taas oo ay isugu soo hareen musharaxa kale ee ka socdo xisbiga Sentrumka ee Emanuel Macron. 

Usoo bixista Marine La Pen ee wareega labaad ee doorashada madaxtinimo, ayaa aheyd mid hore loo sii saadaalinayay, iyada oo uu muuqdo isbadal weyn oo siyaasadeed uu kajiro dalka Faransiiska. La Pen ayaa hada u eg mid ku guuleysan karta doorashada madaxtinimo, maadaama musharaxa la tartamaya ee Macron uu yahay shaqsi ku cusub saaxada siyaasada.

[adsenseyu2]

La Pen ayaa lagu tiriyaa inay tahay mid kamid ah siyaasiyiinta ugu xagjirka qaarada Yurub, waxaana lala bar-bardhigaa Donald Trumpiga Mareykanka. Habartan oo uu dhaley aas-aasihihii xisbiga xagjirka fog ee National Front, ayaa balan-qaaday inay albaabada isugu laabi doonto masaajida ay sheegtay inay ku kulmaan kooxaha xagjirka ah. Iyada oo sidoo kale balanqaaday in muslimiinta aan la fal-gali galin xadaarada iyo dhaqanka reer Yurub(waa sida ay hadalka u dhigtee), ay ku celin doonto wadamadii ay ka yimaadeen.

Wadanka France waxaa degan jaaliyad muslimiin ah oo aad u badan, saameyn balaarana ku leh mujtamaca Faransiiska. Lamana garan karo sida soo bixitaanka La pen ay saameyn ugu yeelan doonto jaaliyada muslimka ah ee degan wadankaas, iyo sida ay ula falgali doonaan.

Habartan xagjirka ah ayaa sidoo kale balan-qaaday inay qaban doonto Afti dadweyne oo ku saabsan ka bixitaanka Faransiiska ee midowga Yurub.

Dhamaan xisbiyadii caado ahaan iyo taariikh ahaan hogaamin jiray siyaasada wadanka Faransiiska, ayaa sanadkan ku haray wareega koowaad ee doorashada. Taas oo calaamad muuqato u ah in Faransiiska uu ka dhacay isbadal siyaasadeed, iyada oo dadweynaha wadankaas ay dalbanayaan siyaasad cusub oo ka baxsan tii hore.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x