fredag, mars 29, 2024

Madaxda gobolada oo Ap ku cadaadinayo in dhalinyarada la siiyo magangalyo rasmi ah

Waxaa maalintii shaley aheyd furmay shirweynaha qaran ee xisbiga shaqaalaha Ap, oo ah xisbiga siyaasadeed ee ugu weyn Norway. Shirweynaha Ap ee sanadkan 2017 ayaa ah mid isha lagu wada hayo, maadaama ay miiska saaranyihiin go´aamo masiiri ah oo qaarkood ay madaxda Ap dhexdiisa ay isku khilaafsanyihiin.

Arinta sida aadka ah loo hadalhayay labadii maalmood ee ugu danbeeyay, ayaa ah waxa uu noqon doono go´aanka Ap ee ku saabsan magangalyada kumeelgaarka ah ee la siiyo dhalinyarada kayar 18-ka sano.

[adsenseyu2]

Qaar kamid ah madaxda gobolada ee xisbiga Ap, ayaa shirweynaha qaran ee Ap ku cadaadinayo inay isku raacaan in magangalyo rasmi ah la siiyo dhalinyarada kayar 18-sano ee iska soo dhiibta Norway. 

Sidoo kale hey´adaha ka shaqeeyo arimaha qoxootiga iyo kuwo u dooda xuquuqdooda, ayaa ka digayo cawaaqib xumo ka dhalan karto magangalyada kumeel gaarka ah ee la siiyo dhalinyarada. 

Shirweynaha qaran ee Ap ayaa socon doono afar maalmood oo ku eg maalinta axada ah. 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x