torsdag, mars 28, 2024

KRF: Lacagta Konstantstøttaha halaga jaro haweenka aan luuqada baran

Lacagta kontantstøtten oo ah lacagta la siiyo hooyooyinka dhaley caruurta ay da´doodu u dhaxeyso hal ilaa labo sano, ayaa noqotay mid aad loo hadalhayo dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay. Iyada oo xisbi walba iyo urur walba uu fikir gaar ah ka aaminsanyahay arintaas.

Gudoomiyaha xisbiga KRF, Knut Hareide ayaa maanta hadal uu soo saarey ku sheegay in xisbigiisu uu rabo in lacagtaas laga joojiyo haweenka soo galootiga ah, ee aan aan dhigan iskuulada luuqada norwiijiga lagu barto.

Hareide ayaa sheegay in KRF aysan rabin in lacagtaas laga gooyo haweenka soo galootiga ah, balse kaliya ay rabaan inay luuqada bartaan iyaga oo lacagtooda qaadanayo.

Qaata lacagta konstanstøttaha, laakiin waxaa idinku waajib ah inaad luuqada barataan. Inta aad kujirtaan barashada luuqada, waxaad caruurtiina u heleysaan barnehage ay lacagtiisu qeyb dowlada bixiso. Hadii aydaan rabin inaad sidaas sameysaan, ma helayaa lacagtaas konstantsøtten.

Inkasta oo KRF ay ka dhigayaan in lacagtaas ay qaataan kaliya haweenka soo galootiga ah, hadana dadka ugu badan ee caruurta guryaha ku heysto ee lacagtaas qaato, waa dadka sida aadka ah u aaminsan diinta masiixiga, isla markaana inta badan u codeeyo KRF.

[adsenseyu2]

Lacagtan oo gabi-geeduba socoto 11-ka bilood ee ugu horeysa nolosha ilmaha, ayaa dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay noqotay arin uu xisbi walba lasoo shirtago.

Xisbiyada Høyre, Ap,  Venstre, SV, AP iyo Frp ayaa isku raacsan in lacagtaas la joojiyo ama isbadal lagu sameeyo.

Xigasho/kilde: TV2, NTB

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x