Dhowr Codbixin oo isbuucyadii ugu danbeeyay qaab online ah loogu qaaday barta internetka, ayaa sheegayo in xisbiga Senterpartiet(Sp) uu yahay xisbiga 3-aad ee ugu weyn Norway, marka laga soo tago Ap iyo Høyre. Sp oo ah xisbiga beeraleyda, xoolo-dhaqatada iyo dadka degan tuulooyinka ayaa booska kala baxay xisbiga FRP oo horey u ahaan jiray xisbiga 3-aad ee ugu weyn wadanka.
Dowlada Norway ayaa bilihii ugu danbeeyay ku howlaneyd isku darka degmooyinka iyo qaar kamid ah tuulooyinka yar-yar, waxaana arintaas ka biyo diidsan dadka degan tuulooyinka iyo beeraleyda. Waana sababta ugu weyn ee loo sababeynayo sare u kaca xowliga ah ee Sp.
Sp ayaa inta badan la shaqeeyo xisbiga Ap, waxeyna arintan bishaaro u tahay Jønas Gahr Større iyo xisbigiisa Ap oo dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay ay ku timid hoos u dhac yar oo xaga taageerayaasha ah.
Xigasho/kilde: Dagbladet.no
[adsenseyu2]