tirsdag, april 23, 2024

Dowlada: Waxaan dib u dajin u sameyn doonaa da´yarta magangalyo-doonka ah ee degan kaamamka

Dowlada Norway ayaa xagal 180 digree ah soo wareegtay maalintii shaley aheyd, iyada oo sheegtay inay dib u dajin u sameyn doonto da´yarta magangalyo-doonka ah ee lagu ilaaway xeryaha qoxootiga(kaamamka).

Waxaa kaamamka Norway kujiro boqolaal dhalinyaro magangalyo doon ah, kuwaas oo helay sharciga magangalyada, balse ay dowladu diidaneyd inay dib u dajin loo sameeyo, maadaama sharcigooda magangalyada dib u qiimeyn lagu sameyn doono, markii ay 18-sano gaaraan.

[adsenseyu2]

Wasiirka kumeel-gaarka ah ee arimaha soo galootiga Per Sandeberg ayaa shaley war saxaafadeed uu soo saarey ku sheegay in dowladu ay sida ugu dhaqsiyaha badan dib u dajin ugu sameyn doonto dhalinyaradaas, lana bilaabi doono prosses ah inay deegaan(kommune) ay kunoolaadaan helaan.

Xigasho/kilde: Regjeringen.no, Vg.no

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x