onsdag, mai 8, 2024

Dowlada Sweden oo soo jeedisay in ciidamo loo diro xeebaha Soomaaliya

Dowlada dalka Sweden ayaa soo jeedisay in ciidamo Swedish ah loo diro xeebaha Soomaaliya, si uga qeyb noqdaan howlgalka la dagaalanka burcad-badeeda ee midowga Yurub.

Tirada ciidamada ay Sweden soo jeedisay in loo diro xeebaha Soomaaliya, ayaa ah 135 askari iyo labo doonyood oo kuwa dagaalka ah. Wuxuuna howlgaldoodu bilaaban doonaa bisha September ee sanadkan aan kujirno ee 2017.

Waxaa labadii bilood ee ugu danbeeyay soo batay weerarada ay geystaan kooxaha bur-cad badeeda ah ee xeebaha Soomaaliya doomaha ka afduubta.

Xukuumada Sweden ayaa soo jeedinta go´aankeedan horgeyn doonto baarlamaanka dalkaas, si ay u meel-mariyaan kahor inta aan la dhaqan.galin.

Xigasho/kilde: Radio-Sverige

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x