torsdag, april 18, 2024

Donald Trump ina-adeertii oo laga yaabo inay madaxweyne ka noqoto France

Waxaa maalinta axada ah ee inagu soo aadan(23-April 2017) dalka Faransiiska ka dhaceyso, wareega koowaad ee doorashada madaxtanimo ee dalkaas. Iyada oo doorashadaas ay tahay mid caalamka oo dhan uu indhaha ku hayo natiijada kasoo bixi doonto.

Musharaxiinta sanadkan u turtamaya inay qabtaan xilka madaxweynaha dalka Faransiiska, waxaa kamid ah haweeneyda lagu macagaabo Marine La pen(sawirka kore) oo kasocoto xisbiga xagjirka midigta fog ah ee Front National(F.N).

Marine La Pen ayaa ah haweeney ilmo adeer (xaga fikirka iyo xag-jirnimada) kala ah madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump. Waxeyna ol-olaheeda doorashada ku balan-qaaday inay soo galootiga islaamka ah ka mamnuuci doonto soo galista dalka Faransiiska. Iyada oo sidoo kale sheegtay inay xiri doonto masaajidada ay leeyihiin soo galootiga muslimiinta ah.

[adsenseyu2]

Midowga Yurub ayaa sidoo kale aad uga wel-welsan hadii ay La pen ku guuleysato doorashada madaxtinimo ee Faransiiska, maadaama France ay tahay mid kamid ah udub-dhexaadyada dhaqaale ee midowga Yurub. Haweeneydan ayaa balan-qaaday inay qaadi doonto afti dadweyne oo ku saabsan ka bixitaanka midowga Yurub, hadii ay ku guuleysato doorashada Fransiiska.

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x