onsdag, april 24, 2024

Denmark oo qiimeyneyso inay adkeyso xuduudka ay la leedahay Sweden

Wasiirada arimaha soo galootiga dalka Denmark Inger Støjberg ayaa sheegtay in dowladeedu ay qiimeyneyso in la adkeeyo, isla markaana ilaalo joogto ah laga hayo xuduudka ay Denmark la wadaagto dalka Sweden.

Arintan ayey wasiiradan sheegtay inay timid, kadib markii  weerar argagixiso uu ka dhacay dalka Sweden. Weerarkaas oo ay ku dhinteen afar qof, sideed kalena ay ku dhaawacmeen. Ninka weerarkaas ka danbeeyay ayaa ahaa nin sharciga magangalyada loo diiday, kaas oo si sharci daro ah ugu noolaa dalkaas.

Sweden ayaa sheegtay inay dalkeeda kunoolyihiin ilaa 12.000 qof oo heysto diidmada kama danbeyn ah ee sharciga magangalyada ah. Waxeyna sheegtay inay dar-dar galineyso tarxiilka dadkaas, maadaama ay khatar kuyihiin amaanka dalkeeda.

Denmark ayaa dhankeeda sheegtay inay qiimeyneyso in ilaalo lagu sameeyo xuduudka dalka Sweden, si aysan dadka kasoo dhuumanayo Sweden aysan usoo galin dalkeeda.

Denmark ayaa sidoo kale ilaalo ka heyso xuduudka ay la leedahay Germany.

Xigasho/kilde: Adressa.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x