lørdag, april 27, 2024

Boolis tiro badan iyo Helicopter shaley raadineysay dhalinyaro loo maleynayo Soomaali

Dhowr baabuur oo kuwa booliska ah iyo helicopterka booliska Oslo, ayaa shaley baadi-goob ugu jiray dhalinyaro loo maleynayo inay soomaali yihiin( waa sida ay boolisku sheegeene), kuwaas oo fal dhac iyo boob ah ka geystay xaafada Tåsen ee magaalada Oslo.

Falkan ayaa shaley galabtii ka dhacay meel u dhow kaalinta shidaalka Shell ee xaafada Tåsen, waxaana fal dhac iyo gacan ka hadal ah loo geystay labo qof oo markii danbe Ambulans(baabuurka gar-gaarka deg-dega) lagu qaaday. Dadka dhaca loo geystay, ayaa waxaa laga xoogay Mobil iyo boorsada jeebka.

Booliska Oslo ayaa saaka TV2 u sheegay in ilaa hada aysan cidna usoo xirin falkaas, inkasta oo shaley ay howl-gal balaaran oo helicopter ay ka qeybqaadatay ay ku raadinayeen sadexdan dhalinyarada ah oo ay sheegeen inay u muuqaal-ekaayeen soomaali.

Xigasho/kilde: TV2.NO, NTB

 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x