fredag, april 19, 2024

Ap oo wali ku adkeysanayo in dhalinyarta la siiyo magangalyo kumeel-gaar ah

Helga Pedersen oo ah afhayeenka siyaasada soo galootiga ee xisbiga Ap, ayaa mar kale ku celisay inay muhiim tahay in lasii wado dhaqangalinta xeerarka qoxootiga xiligan u dagsan Norway, kuwaas oo da´yarta magangalyo-doonka ah siinayo sharciyo magangalyo oo kumeel-gaar ah.

Dowlada Norway ayaa sanadkii ugu danbeeyay bilowday inay magangalyo kumeel gaar ah siiso da´yar ka yar 18-ka sano ee isdhiibta. Markii ay 18-sano gaaraana, waxaa la go´aamiyay in markale dib loo qiimeeyo baahidooda magangalyo. Iyada oo markaas loola xisaabtami doono sidii qof weyn oo markaas wadanka iska soo dhiibay oo kale. waxaana dhici karto in wadankoodii dib loogu celiyo hadii ay waayaan sharciga magangalyada.

[adsenseyu2]

Pedersen oo saaka ka qeybgashay barnaamijka dooda siyaasada ee NRK, ayaa sheegtay in baahida magangalyo ee qofka ay tahay mida go´aamineyso inuu qofku sharci ka heli karo Norway ama inkale.

Xisbiga Ap ayaa isbuucan yeelan doono shirweynaha qaran ee xisbiga, iyada oo ay jirto kala qeybsanaan Ap dhexdiisa ah oo ku saabsan arintan.

Wasiirka kuma gaarka ah ee arimaha soo galootiga Norway, Per Sandeberg oo katirsan xisbiga FRP ayaa soo dhaweeyay hadalka Helge Pettersen, ee ku saabsan in Ap uu wali taageersanyahay in da´yar ´ta la siiyo magangalyo kumeel gaar ah.

Xigasho/kilde: NRK.no

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x