torsdag, april 25, 2024

Urdugan oo Germany ku tilmaamay Nazi iyo Markel oo dalbatay in xaalada la dajiyo

Madaxweyanaha Turkiga Rajeb D. Ordogen ayaa Germany ku tilmaamay naasigii waqtigii Hitler, kadib markii dawladda Germany ay hor-istaagtay taageero jaaliyada Turkiya ee wadankaas ku nooli, ay ku taagerayeen madaxweyanaha turkiga.

Taas oo aheyd mid lagu muujinayay taageerada ay dadweynaha reer Turkiya u hayaan in Urdugan uu xilka sii hayo ilaa sanadka 2029, isla markaana isbadalna lagu sameeyo dastuurka dalkaas.  

Ordogen oo maalintii shalay aheyd la hadlayey dadweynaha reer Turkiga, ayaa  sheegay in dowlada Germany hada ka taliso aysan wax dhaamin habdhaqankii dowladii Germanka ka talin jirtay xiligii Naziga. Isaga oo tilmaamay inuu u maleynayay in dowlada dalkaas ay si dhab u tixgaliso demoqraadiyada iyo rabitaanka dadweynaha. Wuxuuna si cad u qeexay in dowlada dalkaas ay ku khaldaneyd is hor istaagii ay ku sameeyeen dadkii rabay inay muujiyaan taageerada madaxweynaha dalka ay kasoo jeedaan.

Hadalka adag ee Urdugan ayaa sababay mowjad xajiin siyaasadeed ah, iyada warbaahinta labada dalba ay aad u hadalhayaan, wuxuuna abuuray caro badan. Dad badana oo jaaliyada turkiga ee Germany ku dhaqan ah, ayaa kasoo horjeesteen is bar-bar dhiga xiligii Naziga iyo xiliga hada ee Urdugan.

Madaxa xukuumada Federalka dalka Germany Angela Markel ayaa codsatay in laga fiirsado hadalada deel-qaafka ah ee keeni kara isku dhacyada siyaasadeed, iyada oo codsatay in saaxiibadood Trurkiya ay si furan isku dhaliilaan, una wada hadlaan.

Xiriirka Germany iyo Turkiya ayaa bilihii ugu danbeeyay sii xumaanayay, kadib markii dowlada Germany ay horistaagtay kulan ay wasiiro katirsan xukuumada Turkiya  ayla yeelan lahaayeen jaaliyada reer Turkiya ee Germany ku dhaqan. Dhanka kale Turkiga ayaa xabsiga u taxaabay wariye u shaqeeya wargeyska weyn ee Germany kasoo baxa ee Die-Welt

Turkiga oo lagu naaneyso albaabka Yurub ayaa heshiis la galay midowga yurub sanadkii 2015, heshiiskaas oo ku saabsanaa xakameynta fatahaada qoxootiga usoo qaxaya Yurubta Woqooyi. Urdugan ayaa dhowr ku han-daday in hadii Germany iyo EU-du ay fulin waayaan qodobadii heshiisyada dhankooda, ay iska ilaawaan in Turkiga uu istaajiyo qoxootiga reer Siiriya ee usoo socda Yurub.

Xigasho/kilde: Somali News in Germany, NTB

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x