fredag, april 19, 2024

TV2: Booliska Oslo oo qabtay 7 nin oo soomaali ah, kuwaas oo magaalada soo galin jiray daroogo

Booliska magaalada Oslo ayaa howlgal qarsoodi ah oo ay qaadeen kusoo qabtay 7 nin oo soomaali ah, kuwaas oo magaalada Oslo soo galin jiray daroogada nooca loo yaqaanHerionta, sida uu qorayo muuqaal-baahiyaha TV2. Ragan soomaalida ah ayaa sidoo kale la sheegayaa inay horey uga ganacsan jireen Qaadka.

Booliska ayaa howlgalkoodan kusoo qabtay ku dhawaad 20 kiilo oo daroogo ah, taas oo noqon ka dhigan mid kamid ah cadadka daroogo ee ugu tiro badnaa oo abid ay qabtaan booliska Oslo.

Ragan soomaalida ee la qabtay ayaa dä’doodu ay u dhaxeysaa 30 ilaa 50 sano. 5 kamid ah ayaa heysto dhalashada dalkan Norway, halka midkoodna uu heysto jinsiyada dalka Denmark oo uu deganyahay. Halka kan 7-aad uu deganyahay dalka Holand.

Sida ay boolisku sheegeen ragan soomaalida ah ayaa in mudo ah magaalada Oslo soo galin jiray daroogada. Waxaana qabashadoodu laga dareemay suuqa ganacsiga maan-dooriyaha Herionka, iyada sicirka maandooriyaha Herionka uu kor u kacay maalmihii ugu danbeeyay, uuna gabaabsi ii yahay.

Dhamaan warbaahinta dalkan Norway ayaa aad u hadalheyso qabashada ragan soomaalida. Wxii kusoo kordha arintan gadaal ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: TV2.NO

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x