torsdag, mars 28, 2024

(Soo jeedin): Dowlada oo loo soo jeediyay inay jarto lacagta kontantstøttaha, kuna badasho Barnehage bilaash ah

Gudi ay wasaarada dhalaanka iyo sinaanta u xilsaartay dib u eegista taageerada dhaqaale oo ay dowladu siiso qoysaska, ayaa soo jeediyay in la jaro lacagta Kontantstøttaha, laguna badalo in barnehage( goobaha xanaanada caruurta) bilaash ah la siiyo dhamaan caruurta.

Konstantstøtte: Lacagta la siiyo waalidiinta caruurta ay da´doodu u dhaxeyso 1 ilaa 2 sano, isla markaana aan dhigan barnehage ay dowladu maamusho/aan privat aheyn.

Xisbiyada Venstre, SV iyo qeyb kamid ah Høyre ayaa horey usoo jeediyay in caruurta oo dhan ay xaq u yeeshaan inay helaan barnehage bilaash ah, laakiin lama oga sida ay xisbiyadan uga fal-celin doonaan soo jeedinta gudigan ee ah in la jaro Konstantstøttaha.

Xisbiyadan ayaa go´aankooda ku saabsan arintan ku falanqeyn doono, shirar qarameedyada ay yeelanayaan isbuucyada inagu soo aadan.

Gudigan ayaa sidoo kale soo jeediyay in kor loo qaado lacagta Barnetrygden, laguna xiro qarashka dhaqaale ee soo gala qoyska. Waxeyna soo jeediyeen in la siiyo qoysaska ugu baahi badan.

Barnetrygd: Lacagta la siiyo waalidiinta dhaley caruurta ay da´doodu ka yartahay 18 sano.

Hala hala qeybiyo fasax dhalmada waalidiinta:

Gudigan ay dowladu u xilsaartay qiimeyn dhaqaalaha ay dowladu siiso qoysaska, ayaa sidoo kale soo jeediyay in si siman loo qeybiyo fasaxa dhalmada ee waalidiinta. Waxeyna soo jeediyeen in sadex isbuuc oo dhalmada ka horeyso in lix ka danbeyso si gaar ah loo siiyo fasax hooyada, halka 40-ka hareyna si siman loogu qeybiyo labada waalid ee ilmaha dhalay. 

Xigasho/kilde: NRK, Aftenposten.no

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x