fredag, mars 29, 2024

Masaajidka soomaalida Göteborg oo albaabada loo laabey, kadib markii ay soomaali isku qabsatay maamulkiisa

Masaajidka ay soomaalidu maamusho ee magaalada Göteborg ee dalka Sweden, ayaa albaabada la isugu dhuftay kadib markii labo kooxood oo soomaali ah ay isku qabsatay maamulka masaajidka.

Khilaafka labadan kooxood ee soomaalida ah ee ku saabsan maamulka masaajidka ayaa soo socday in mudo ah, balse xaley ayuu gaaray heer buuq, is jiid-jiid iyo is qabqabsi masaajidka dhexdiisa ah. Buuqaas oo sababay in booliska magaalada Göteborg ay goobta soo gaaraan, isla markaana kala diraan kooxihii soomaalida ahaa ee masaajidka isku heystay.

Waxaana maamulka xaafada uu masaajidkaas kuyaalo ay go’aamiyeen in albaabada loo laabo masaajidkan, inta khilaafkaas laga xalinayo. Waxaana halkaas ku xirmay dhamaan adeegyadii kale ee uu masaajidkaas dadka u qaban jiray, sida barashada qur’ aanka ee caruurta yar-yar.

Labadan kooxood ee isku heysta ayaa horey dacwado isaga gudbiyay, iyada oo ay isku eedeynayaan in mid kamid ah ay si khaldan u isticmaashay magacyo, isla markaana ay ka been abuurteen shirkii sanadlaha ahaa ee gudiga masaajidka.

Inkasta oo aysan dadku afka soo marineyn, hadana dhowr qof oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in sababaha  khilaafkan gaarsiisay heerkaas, ay kamid  tahay caadifad qabiil. Iyada oo labada dhinac ee masaajidka maamulkiisa isku heysto, ay kasoo kala jeedaan labo reer oo kala duwan oo soomaali ah.

Maamulka xaafada uu masaajidka kuyaalo ayaa kulan heshiisiin ah u qaban doonto labadaas kooxood ee soomaalida ah ee masaajidka maamulkiisa isku heysato. Lamana garan karo sida uu ku dhamaan doonto khilaafkaas gaarey, heer ay dadka xaafada degan madaxa qabsadaan.

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x