fredag, mars 29, 2024

Marian Abdi: Waa muhiim in soomaalidu ay arkaan farqiga u dhaxeeyo SV iyo Ap

Xisbiga shaqaalaha Ap oo kamid ahaa xisbiyadii taageersanaa mooshinkii awood ka qaadista hey´ada laanta socdaalkam kaas oo lagu balansanaa in baarlamaanka la horkeeno 14-ka bishan Maarso, ayaa dalbaday waqti dheeri ah oo ay uga soo fakaraan taageeradaas ay siiyaan mooshinkaas.  Waxeyna taas timid kadib markii ay warqad codsi qoraal ah, ay soo dirtay wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada ee Sylvi Listhaug. 

Mariam Abdi Hussein oo kamid ah musharaxiinta baarlamaanka xisbiga SV sanadkan uga tar-tamaya magaalada Oslo, ayaa iyada oo arintaas ka hadleyso sheegtay inay muhiim tahay in soomaalidu ay arkaan farqiga u dhaxeeyo SV iyo Ap, oo dad badan ay u maleeyaan inay isku hal xisbi yihiin. 

Marian oo dhawaan loo doortay inay kamid noqoto golaha dhexe ee SV ayaa wareysi ay siisay NorSom News ku carabowday in sharciyadan ku saabsan soo galootiga iyo xiligan adag ee lagu jiro, ay si cad u muujinayaan fikir kala duwanaanshaha SV iyo Ap oo soomaalidu ay isku qaldaan. 

Wareysiga Marian oo dhameystiran, dhawaan ayaan soo galin doonaa. 

SV ayaa ahaa xisbigii lahaa soo jeedinta ku saabsan awood ka qaadista hey´ada laanta socdaalka ee sharci kala noqoshada jinsiyadaha. Maalmo kahor ayey sidoo kale soo jeediyeen soo jeedin kale oo ah in la xadido xiliga qofka laga qaadi karo jinsiyada, iyada oo loo fiiriniyo inta sano ee uu wadanka degenaa. Labada soo jeedin ee SV waxey taageero ka wada heleen inta badan xisbiyada mucaaradka ah, marka laga reebo Ap oo midna diiday inuu taageero, midna codsaday in la siiyo waqti dheeri ah oo ay uga soo fakaraan.

 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x