torsdag, april 18, 2024

Gudoomiyaha degmada Oslo oo soo jeediyay in lacagta taageerada qoyska laga jaro xaafado kamid ah Oslo

Gudoomiyaha golaha deegaanka Oslo, Reymond Johnsen oo katirsan xisbiga shaqaalaha(Ap), ayaa qudbadiisii maalinta haweenka (8 maarso) ku soo jeediyey in si tijaabo ah looga joogiyo lacagta taageerada qoyska (kontantstøtte) qaar ka mid ah xaafadaha Oslo, gaar ahaan kuwa ajinabigu ay ku badanyahiin. Raymond ayaa wargeyska vg u sheegay:

«waxaan soo jeedinayaa in caruurta qoyseska ay khusayso xanaanad( barnehage) bilaash looga dhigo, waalidiintoodana koorsyo luuqada ah iyo tababar shaqo loo diro.

Konstantsøtte: Lacagta la siiyo waalidiinta  haysta caruurta ay da´doodu u dhaxeyso hal ilaa labo sano, isla markaana aan dhigan barnehage ay dowladu maamusho.

Reymond Johnsen ayaa sheegay in ujeedooyinka ay arintan ka leeyihiin, ay kamid tahay dar-dar galinta isdhexgalka bulshada(integrering). Wuxuuna ka codsaday dowlada dhexe(regjeringen) in xaafado ka mid ah degmada Oslo lagu tijaabiyo qorshahan, lacagta konstantstøttaha looga jarayo qoysaska. Xaafadaha uu Reymond soo jeediyay in laga jaro lacagtan, ayaa waxaa kamid ah Sagene, Østensjø iyo Sønde Nordstrand(Holmalia..)

[adsenseyu2]

Gudoomiyaha gudiga deegaanka ayaa sheegay in lacagtan waalidka lagu siiyo caruurta, marka ay guryaha ku heystaan ay caqabad ku tahay barashada af-noorwayjiga ee caruurta yar-yar iyo waalidiintoodaba. Reymond ayaa sidoo kale sheegay in ajinibugu ay u badanyihiin dadka qaata lacagtan Konstantstøttaha. 

Raymond sidoo kalle shhegay ila 5500 oo ka mid ah caruurta gaadhay da’da barnehagahu aanay tagin xarumaha xanaanada caruurta. Arrintani waxa ay keeni kartaa in caruurtaasi anaay la tartami karrin dhinaca luuqada iyo horumarka kuwa soo maray xarumaha xanaanada marka ay bilaabaan skuulka hoose.

FRP iyo xisbiyada midigta oo taageersan Reymond. 

Xisbiyada midigta ayaa la dhacsan soo jeedinta qorshahan cusub ee Reymond. Meshvar Keshvari oo ah afhayeenka arimaha soo galootiga ee Frp, ayaa sheegay in lacag lagu siiyo haweenka inay ilmaha guriga ku heystaan, aysan aheyn mid faa´iido leh marka loo fiiriyo mustaqbal ahaan. Sidoo kale xisbiyada Høyre iyo Venstre ayaa sheegay iney taageersanyihiin soo jeedinta Reymond.

Venstre ayaa sheegay in xili hore ay soo jeediyeen in qorshe noocan oo kale ah, balse ay soo jeediyeen in magaalada Oslo oo dhan laga jaro lacagtaas la siiyo waalidka ilmaha ku xanaaaneeyo guryaha.

Arintan waxey kujirtaa gacanta dowlada:

Solveig Horne: Wasiirada dhalaanka iyo sinaanta
Foto: Øistein Norum Monsen

Hadalka Reymond waxa uu ahaa soo jeedin kali ah, laakiin go´aanka arintan waxa uu kujiraa gacanta baarlamaanka (stortinget), sababta oo ay tahay sida keli ah ee lagu hirgelin karaa waa in sharciga wax laga bedelo. Wasiirka qoyska iyo sinaanta Solveig Horne, ayaa sheegtay in hadii la rabo in arintan la dhaqan-galiyo, isla markaana xaafado gaar ah laga jaro lacagtaas, ay waajib noqon doonto in isbadal lagu sameeyo sharciga qoyska.

KRF oo kamid ah xisbiyada taageera dowlada, ayaa dowlada uga digay inay aqbasho qorshahaas. Waxeyna sheegeen in degmada Oslo ay sameyn karaan waxyaabo kale oo badan, sidii kor looga qaadi barashada luuqada iyo isdhexgalkaba, laakiin in la jaro lacagta Konstantsøttaha aysan aheyn wadadii loo mari lahaa arintaas.

Xisbiga diineedka KRF oo aad ugu daneeyo arimaha qoyska ayaa waxyaabaha uu dowlada taageerada ku siiya kamid ahayd inaan la taaban lacagta kontantstøtte-ha.

Fadumo Cali Madar: in xisbiga shaqaalahu(AP) uu kasoo horjeedo konstantsøttaha ma aha wax inagu cusub.

Faadumo cali madar

NorSom News ayaa la xidhiidhay Fadumo Cali Madar oo kamid golaha deegaanka ee magaalada Oslo, waxaana wax ka weydiinay qorshahan cusub ee ka yimid xisbiga shaqaalaha Ap.

Fadumo ayaa noo sheegtay in arrin cusub aysan aheyn in xisbiga Ap uu rabo in lacagtaas Konstantstøttaha la joojiyo si kor loogu qaado isdhexgalka bulshada, balse waxa cusub oo kaliya in xaafadaha magaalada qaarkood lagu tiyaabiyo sida Raymond maanta soo bandhigay.

Faadumo ayaa sheegtay in arintaas aysan aheyn mid xubnaha golaha deegaanka ee xisbiga Ap Oslo, ay ka shireen oo isku raaceen. Iyada oo raacisay in Reymond uu lahaa soo jeedin oo kali ah, balse go´aanka dhabta ah ee arintan uu kunjiro gacanta baarlamanka. Sidaas darteed waa muhiim in dadku fahmaan in aan wax go’aan ah laga gaadhin arrintan haba yaraateed, balse waynu la socon doonaa halka doodaas ku danbayso.

Xigasho/kilde: NRK, NTB, VG

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x