fredag, april 19, 2024

Abdirisaq Hassan: Waxaan ku baaqayaa inaan shir isugu imaano siyaasiyinta soomaalida ee xisbiga Ap

Abdirisaq Hassan oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ap ee magaalada Stange, kana mid ah golaha dhexe ee xisbiga Ap ee gobalka Hedmark, ayaa sheegay inuu ku baaqayo in siyaasiyiinta soomaalida ah ee kujiro xisbiga Ap ay shir deg-deg isugu imaadaan, inta aan la gaarin kowda bisha April. 

Kowda bisha April ayaa ku eg maalinta uu xisbiga shaqaalaha ee Ap uu qabsaday, si uu go´aan uga soo gaaro taageero siinta mooshinka awooda sharci kala noqoshada jinsiyada loogu wareejinayo maxkamadaha. Mooshinkan oo lagu balansanaa in talaadada soo socoto la horkeeno baarlamaanka, ayaa dib u dhacay kadib markii uu Ap dalbaday waqti dheeri ah oo dib uga soo fakaraan taageerada mooshinkaas.

Abdirisaq oo lasoo xiriiray NorSom News ayaa sheegay inay muhiim tahay, in siyaasiyiinta xisbigaas katirsan ee soomaalida ah ay muujiyaan kaalintooda ku aadan go´aanada xisbiga ee saameynta ku yeelan kara dadka soomaaliyeed ee wadankan ku dhaqan. Isla markaana ay cadeeyaan kalsoonida ay dadka soomaaliyeed codka ku siiyeen xiliyadii doorashada. 

Ilaa 20 qof oo siyaasiyiin soomaali ah oo katirsan xisbigaas ayaa kujiro golayaasha deegaanka ee magaalooyinka wadanka, waxeyna sidoo kale qeybo ka yihiin gudiyada siyaasadeed ee xisbiga. Waxaana uu Abdirisaq sheegay in hadii ay isku tagaan oo mowqif mideysan ay ula tagaan xisbiga, ay wax weyn soo kordhin karaan. 

Sidoo kale waxaa jiro dhalinyaro badan oo soomaali oo katirsan ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha ee AUF, oo qaarkood ayba xilal gudoomiye urur-gobol ay hayaan.

Soomaalida ayaa ah qowmiyada 3-aad ee soo galootiga ah ee ugu badan dalkan Norway, waana qowmiyada ugu badan ee soo galootiga ee codadka bixisa xiliyada doorashada. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x