tirsdag, april 23, 2024

1.240 qof oo codsatay in la helo nidaam deyn islaami ah

Ol-ole internetka ah oo lagu dalbanayo in la helo nidaam deyn islaami ah, ayaa waxaa sadex isbuuc gudahood ku saxiixday dad dhan 1240 qof. Dadka ololaha ka danbeeyay ayaa sheegay in ujeedoodu ay tahay in bankiyada Norway la tuso inay jiraan dad badan oo kunoolk dalkan Norway, kuwaas oo xiiseynayo nidaamkaas deynta islaamiga ah.

Arinta ku saabsan xiisaha deynta islaamiga ah ayaa soo bilaabatay bishii January, kadib markii bankiga weyn ee Storebrand uu sheegay inuu qiimeynayo bilaabista bixinta deyn ku saleysan nidaamka islaamiga ah.

Madaxa dhinaca xiriirka ee bankiga Storebrand ayaa sheegay in bankigiisu uusan wali gaarin go´aan ku saabsan arintaas, balse ay wali kujiraan qiimeyntooda bilaabista deyntaas islaamiga ah.

Rapport uu soo saarey Torkel Brekke oo ah khabiirka dhinaca dhaqaalaha ah ayaa wuxuu bankiyada Norway kaga codsaday inay bilaabaan bixinta deyntaas islaamiga, oo baahi badan ay u qabaan bulshada islaamka ah ee Norway kunool.

Xigasho/kilde: Vårt-Land.

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x